Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Sabtidii gaaray magaalada Jeddah ee galbeedka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka bilaabay booqasho rasmi ah.
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Xamsa Cabdi Barre uu ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Cabdulcasiis ee magaalada Jeddah, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Jeddah, Amiir Sacuud bin Cabdullaahi bin Jalawi, iyo mas’uuliyiin kale oo Sacuudiyaan ah.
Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo labada dal ay dhowaan yeesheen kulammo looga hadlayay xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale iska kaashanaya arrimo la xiriira danaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Safaaradda Soomaaliya ee Riyadh ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaaraha booqashadiisa Sacuudiga ay daaran tahay gudasha Cumrada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hore dhowr jeer u booqday magaalada Jeddah, iyadoo booqashadiisii ugu dambeysay ay ahayd bishii Maarso 2026, sida lagu sheegay xog rasmi ah oo Sacuudigu hore u baahiyay.
Ilaa hadda, lama shaacin faahfaahinta kulammada uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelan doono mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo muddada ay qaadan doonto booqashadiisa.
