Wiilka Madaxweynaha Uganda Oo 7 Maalmood ah u Qabtay Iran Inay Raali-galin ku Bixiso.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta The Citizen ee fadhigeedu yahay dalka Kenya ayaa ku warrantay in wiilka madaxweynaha dalka Uganda uu dhalay ee Muhoozi Kainerugaba uu raaligelin ka dalbaday dawladda Iran isaga oo muddo 7 maalmood ah u qabtay in ay raaligelintaas ku soo bixiso Iran.

Ninkan ayaa ka cadhooday jawaab uga timi Iran ka dib markii uu sheegay in dawladdiisu ku biiri doonto dagaalka bariga dhexe si ay u taageerto Israel isaga oo eedo u jeediyey dawladda Iran.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli quwadaha waaweyni ka war wareegayaan in ay garab siiyaan Maraykanka iyaga oo ka cararaya in ay soo galaan dagaalka Iran.