Monday, October 26, 2026

Masar Oo Somaliya u soo Diraysa Ciidamo ka Mid-noqon Doona Aowlgalka AUSSOM

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Masar ayaa isu diyaarinaysa inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo milatari oo biiri doona howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo qorshuhu yahay in ku dhowaad 1,000 askari ay ka mid noqdaan howlgalka.

Sida ay baahisay warbaahinta The East African, ciidamada ayaa la qorsheynayaa in la geeyo gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Ceelcade oo u dhow garoonka diyaaradaha Ciciley, halkaas oo ay hadda joogaan ciidamada Burundi.

Keenista ciidamada ayaa daba socota heshiis iskaashi milatari oo Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen 2024, hase yeeshee waxaa weli jira su’aalo ku saabsan qaabka ciidamada cusub ula shaqeyn doonaan AUSSOM iyo cidda maamuli doonta.