Hay’adda Saudi Ports Authority (“Mawani”) ayaa shaaca ka qaaday in shirkadda Pacific International Lines (PIL) ay balaadhisay adeegyada maraakiibta ee “RGS” iyo “RS2” ee dekedda Jeddah Islamic Port. Tani waxay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ka caawinaysaa helitaanka isku xirka ganacsi ee caalamiga ah.
Adeegga “RGS” wuxuu dekedda Jeddah ku xiraa Berbera (Soomaaliya), Djibouti, iyo dekedaha Nhava Sheva iyo Mundra ee Hindiya, isagoo awood u leh ilaa 1,810 TEUs. Adeeggan ayaa fududeynaya dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka Soomaaliya, isagoo si toos ah u xoojinaya saadka iyo ganacsiga.
Sidoo kale, adeegga “RS2” wuxuu dekedda Jeddah ku xiraa dekedaha waaweyn ee Asia iyo Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Qingdao, Shanghai, Ningbo, Nansha, Shekou (Shiinaha), Singapore, Sokhna (Masar), iyo Aqaba (Urdun), iyadoo awood u leh ilaa 11,923 TEUs. Adeeggan ayaa ballaarinaya isku xirka caalamiga ah ee dekedda Jeddah, isla markaana ka faa’iideysanaya ganacsiga Soomaaliya.
Jeddah Islamic Port waxay leedahay 62 berth oo adeegyo badan leh, terminalo casri ah oo kontaynarro ah, iyo nidaam toos ah oo gaadiid dekedda u kala socda. Awoodda guud ee wax qabadka dekeddu waxay gaareysaa ilaa 130 milyan oo tan, taasoo ka dhigaysa xarun muhiim ah oo saadka iyo dhoofinta.
Horumarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Mawani ee horumarinta dekedaha Sacuudi Carabiya iyo taageeridda koboca dhoofinta, isla markaana la jaanqaadaya Himilada Istaraatiijiyadda Qaran ee Gaadiidka iyo Saadka. Soomaaliya, gaar ahaan dekedda Berbera, ayaa ka faa’iideysanaysa adeegyada cusub, iyadoo la filayo in ganacsiga iyo saadka ay si weyn u kordhaan.

