Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Isra||L ayaa muujinaya in garabka Gadi Eisenkot uu 52 kursi ku horreeyo, halka garabka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu helayo 50 kursi, sida lagu sheegay saadaasha codbixinta hordhaca ee uu baahiyay Channel 12.
Xisbiyada Carabta ayaa loo saadaaliyey 17 kursi. Dhanka xisbiyada gaarka ah, xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa helaya 24 kursi, halka Yashar ee Eisenkot uu helayo 22 kursi.
Doorashadan ayaa go’aamin karta mustaqbalka siyaasadeed ee Netanyahu, xilli dowladdiisa lagu dhaliilayo maaraynta dagaallada iyo xaaladda amni ee dalka.
Labada garab midkoodna ma gaadhin 61-ka kursi ee aqlabiyadda looga baahan yahay baarlamaanka Isra||L oo ka kooban 120 kursi.
Si kastaba ha noqotee, waxa bilaabmaya tirint codadka, iyadoo tartanka ugu weyn uu u dhexeeyo xisbiga Likud ee Benjamin Netanyahu iyo mucaaradka uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot.
Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa la filayaa maalmaha soo socda, halka natiijada rasmiga ah la shaacin doono 4-ta November..

Screenshot


