Wednesday, October 28, 2026

Itoobiya Oo Ruushka kala Wareegtay 12 Diyaaradood Oo Nooca Dagaal ah.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta shaaca ka qaaday in Itoobiya ay Ruushka kala soo wareegtay 12 diyaaradood oo dagaal oo nooca jiilka afaraad dhaafsiisan ee Su-35, isla markaana ay Itoobiya heli doonto afar nidaam oo difaaca cirka ah oo S-400 ah.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha la keenay hal sano ka hor waqtigii la qorsheeyey, isla markaana ay xoojinayaan awoodda Itoobiya ee ka hortagga weerarrada.

Abiy wuxuu ku tilmaamay helitaanka diyaaradaha tallaabo xoojinaysa madax-bannaanida iyo amniga Itoobiya.

Su-35 waa diyaarad dagaal oo casri ah, xawaareheeduna gaari karo qiyaastii 2,400 km saacaddii marka ay joog sare ku duulayso. Waxay awood u leedahay inay la dagaallanto diyaaradaha kale, fuliso weerarro iyo inay duusho masaafo dheer.

Masaafada ay duuli karto iyadoo aan shidaalku ka dhammaaan waxay gaari kartaa qiyaastii 3,600 km xaalado ku habboon, balse masaafadaas lama mid aha tan ay hawlgal dagaal ku geli karto kuna soo laaban karto saldhiggeeda.

Diyaaradahan waxay Itoobiya awood u siinaysa haddii ay ka duulaan Addis Ababa inay masaafo saacad ah intay weerar duqeyn ah ka soo fuliyaan; Asmara,Muqdisho, Nairobi , Jabuuti iyo Kampala inay saldhigeeda dib ugu soo laabato.

Su-35 , waxaa lagu sheegaa inay leedahay awood la mid ah noocyada F-15 iyo F-16,taasoo ka dhigan Itoobiya inay leedahay awood weerar oo cirka ah oo aysan haysan dalalka kale ee gobolka.

Arrinta kale ee muhiimka ahi waa afarta nidaam ee S-400 ee Abiy sheegay in Itoobiya heli doonto.

Su-35 waxay ka hawlgashaa hawada, halka S-400 uu dhulka ka difaaco hawada, isaga oo adeegsanaya raadaarro iyo gantaallo, waxaana lagu yeeraa mid ka mid ah nidaamyada difaaca hawada ee ugu sarreeya caalamka. Haddii la keeno Itoobiya oo si buuxda loo hawlgeliyo, waxay Itoobiya siin karaan awood isku dhafan oo ku saabsan difaaca cirka iyo hawlgallada diyaaradaha dagaalka. Weli lama shaacin goorta S-400 la keenayo ama halka rasmiga ah ee laga hawlgelin doono.

Geeska Afrika, muhiimadda arrintani waxay ku jirtaa awoodda cusub ee Itoobiya ay dhiseyso iyo sida ay dalalka derisku u qiimeyn doonaan difaacooda cirka, waxayna tallaabadan dhiirrigelinaysa dalalka haysta dhaqaalaha inay isku dayaan awood la mid ah Itoobiya, si meesha uusan uga bixin dheellitirka awoodda.

Si kastaba, helitaanka diyaarado casri ahi keligiis ma caddaynayo in Itoobiya ka awood badan tahay dhammaan dalalka gobolka,tababarka duuliyeyaasha, hubka, dayactirka iyo diyaar-garowga hawlgalka ayaa go’aaminaya awoodda dhabta ah.