Saddex dhalinyaro ah oo caan ka ah baraha bulshada, kana soo safray Muqdisho, ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen xubno xog-ogaal ah.
Dhallinyarada la sheegay in la xiray ayaa kala ah Faraska Madow, Nasro Abti-doon iyo Geeddi Sahan, kuwaas oo Hargeysa u tegay ka qaybgalka barnaamij ay halkaasi ku qabanayeen.
Sida xogta la helayo, saddexda qof ayaa lagu xannibay gudaha garoonka kadib markii ay ka soo degeen diyaaradda, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray ama halka lagu hayo.
Dhallinyaradan ayaa inta badan sameeya muuqaallo ay ku soo bandhigaan safarradooda iyo nolosha bulshada, iyagoo booqda magaalooyin iyo deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ah iyo meelo ka baxsan dalka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga Somaliland oo ku saabsan xarigga saddexdan dhalinyaro ama sababta loo joojiyay safarkooda.
