Thursday, October 29, 2026

Taliyaha Xoogga oo Booqday Askartii ku Dhaawacantay Dagaalkii Jameeca.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ku booqday askar ka tirsan ciidamada oo ku dhaawacmay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa mid mid u wareystay askarta dhaawacantay, isagoo ka xog-wareystay xaaladdooda caafimaad iyo daryeelka ay helayaan. Wuxuu sidoo kale u muujiyey garab istaag iyo dhiirrigelin, isagoo ku bogaadiyey geesinimada ay muujiyeen.

Sidoo kale, S/Gaas Ibraahim ayaa warbixin ka dhegeystay saraakiisha iyo shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Ciidanka, kuwaas oo faahfaahin ka siiyey xaaladda dhaawacyada iyo adeegyada caafimaad ee loo fidinayo askarta.

Taliyaha ayaa ammaanay naf-hurnimada iyo waddaniyadda ciidamada, isagoo sheegay in dhaawacyada soo gaaray ay muujinayaan dadaalka ay ciidamada ugu jiraan difaaca dalka, shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.