Thursday, October 29, 2026

Dawlada Somaliya Oo ku Dhawaaqday Waqtiga ay Bilaabayso Bixinta Baasaboorka Cusub

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada fadaraalka Somaliya ayaa ku dhawaaqday in horraanta 𝗯𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗗𝗶𝗶𝘀𝗲𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟲 la bilaabi doono bixinta Baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Baasaboorkan oo ah 𝗷𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅𝗮𝗮𝗱 ayaa lagu qalabaynayaa astaamo amni oo casri ah, waxaana loo waafajinayaa heerarka caalamiga ah ee 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗥𝗮𝘆𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗸𝗮 𝗜𝗖𝗔𝗢.

Jaldiga iyo gudaha baasaboorka cusub waxaa ka muuqan doona magaca iyo astaamaha 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮—𝗘𝗔𝗖, iyadoo laga soo saarayo saddexda nooc ee kala ah: 𝗯𝗮𝗮𝘀𝗮𝗯𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵, 𝗸𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝗴𝗮 iyo 𝗸𝗮 𝗱𝗶𝗯𝗹𝗼𝗺𝗮𝗮𝘀𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱.

Baasaboorka cusub ayaa la filayaa inuu fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dalalka xubnaha ka ah 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮. Si kastaba, safarka bilaa dal-ku-galka ah wuxuu ku xirnaan doonaa dhammaystirka xeerarka iyo habraacyada ururka ee Soomaaliya uga harsan.