Qadar ayaa si cad u beenisay eedeymaha sheegaya inay faragelin ku hayso doorashooyinka Israa’iil ama ay maalgelinayso dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in lagu saameeyo natiijada doorashada.
Jawaabta Qadar ayaa timid kadib markii hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil, Shin Bet, loo xil saaray inay baarto eedeymo sheegaya in lacag laga soo wareejinayay Turkiga iyo Qadar loona gudbinayay Israa’iil, si loo saameeyo codbixinta bulshada Carabta. Eedeymahan waxaa horay u jeediyay Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisa.
“Eedeymahani waa kuwo aan macquul ahayn isla markaana khatar ah,” ayu uku yiri bayaan uu ku daabacay barta X,Majid Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar.
Wuxuu intaas ku daray in magaca Qadar oo marar badan lagu soo hadal qaado ololayaasha iyo doodaha doorashada Israa’iil ay muujinayso sida ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta Israa’iil ugu nugul yihiin arrimaha la xiriira Qadar.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qadar aan laga dhigin wax loo adeegsado in lagu qariyo fashilka siyaasadeed ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta Israa’iil. Halkii ay dareenka u jeedin lahaayeen Qadar, waa inay diiradda saaraan codbixiyeyaashooda, hagaajiyaan nolol maalmeedka dadka, isla markaana magdhow ka bixiyaan waxyeellada ay gobolka ka geysteen.
Dhanka kale, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa taageeray baaritaanka eedeymaha faragelinta shisheeye ee doorashada, balse ka digay in baaritaanku uusan sumcadda guud ee bulshada Carabta ee Israa’iil dhaawicin.
