Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa bilowday inay gacan ku siiso hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet baaritaan la xiriira in Turkiga iyo Qatar ay door ku lahaayeen guusha xisbiyada Carabta ee doorashada Israa’iil, taas oo sababtay in xisbiga ama isbahaysiga Netanyahu uu waayo aqlabiyaddii baarlamaanka, sida uu baahiyay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Ynetnews.
Sirdoonka Israa’iil waxay Qatar ku eedeynayaan inay lacago badan soo galisay gudaha Israa’iil, taasoo gacanta u gashay xisbiyada Carabta oo taariikh ka sameeyay doorashadii Israa’iil, oo ay heleen 19 kursi.
Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahan, iyadoo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al-Ansari, uu sheegay in eedeymahaasi yihiin olole warar been ah.
Wuxuu si jees-jees ah u yiri: “Waxay nagu eedeeyeen inaan iibsanay Netanyahu, garabka bidix, haddana codka Carabta. Haddii eedeymahaas oo dhan la rumaysto, waxay u muuqataa in Qatar ay Israa’iil oo dhan leedahay.”
