16
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Senator Fartaag, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Igor Zubov, Xoghayaha Dawladda ahna Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Ruushka, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tababarrada la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga fikradaha xagjirka ah iyo kor u qaadista xirfadaha shaqo ee saraakiisha iyo ciidamada booliska.


