Sunday, November 1, 2026

Burcad-badeed Somali ah oo Afduubtay Doon Kalluumeysi oo laga Leeyahay Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Burcad-badeed hubeysan ayaa afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, xilli ay ku sugneyd xeebaha maamulka Puntland gaar ahaan inta u dhexeysa magaalooyinka Bandar Beyla iyo Xaafuun ee gobolka Bari.

Xarunta Ammaanka Badda ee Midowga Yurub (MSCIO) ayaa sheegtay in doonta oo lagu magacaabo Azini la qafaashay 29-kii Oktoobar, abaare 12:00 duhurnimo waqtiga Soomaaliya.

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka AFP, oo soo xiganeysa saraakiil amni oo Puntland ah, ayaa lagu sheegay in siddeed nin oo hubeysan ay weerarka ka fuliyeen deegaan xeebeed ku dhow magaalada Bandar Beyla.

Saraakiisha ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen laba ilaalo Soomaali ah, balse ay burcad-badeeddu tiro ahaan ka awood bateen, isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta markabka.

Ilo amni ayaa sidoo kale sheegay in doonta ay saarnaayeen 21 shaqaale ah, marka laga reebo labada ilaalo ee Soomaalida ah. Afar nin oo kale oo hubeysan ayaa markii dambe ku biiray kooxdii weerarka geysatay, taasoo tirada burcad-badeedda saarneyd doonta ka dhigtay 12 qof.

Markii ay la wareegeen doonta, burcad-badeeddu waxay u kaxeeyeen dhinaca badda, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.

Afduubka doonta Azini ayaa noqonaya kii saddexaad ee lagu bartilmaameedsado doomaha kalluumeysiga ee laga leeyahay Iiraan, xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii Luulyo.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dib usoo xoogeysanayaan weerarrada burcad-badeedda Soomaaliya, iyadoo tan iyo bishii Abriil la diiwaangeliyey ugu yaraan 15 weerar oo noocan ah, tiradii ugu badneyd tan iyo sannadkii 2013-kii.

Xarunta Ammaanka Badda ee Midowga Yurub ayaa ka digtay in doonta la afduubtay loo adeegsan karo saldhig ay burcad-badeeddu ka abaabulaan weerarro kale oo ka dhaca biyaha Soomaaliya iyo Badweynta Hindiya.

Waxay sidoo kale sheegtay in aan weli la xaqiijin xaaladda badqabka shaqaalaha saaran doonta.