Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Hay’adda Sirdoonka Dibadda ee Ingiriiska (MI6) lagu daray liiska kooxaha “cadowga ah”.
Sida lagu sheegay bayaanka, go’aankan waxaa lagu qaatay qaraar ka soo baxay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, wuxuuna jawaab u yahay tallaabooyinka ay qaaday dowladda Ingiriisku.
Wasaaraddu waxay sidoo kale shaacisay in Ciidamada Badda iyo Ciidamada Cirka ee Ingiriiska lagu daray liiska ururada argagixisada ee ay u aqoonsan tahay Tehran, iyadoo la raacayo “Sharciga Iiraan ee Aargoosiga,” kaas oo jawaab u ah tallaabada ay Mareykanku ku liis gareeyeen Ciidamada Ilaalada Kacaanka oo ay u aqoonsadeen urur argagixiso ah.
Iiraan waxay sababaha go’aankan keentay ku sheegtay iskaashiga militari ee ka dhexeeya Ingiriiska, Mareykanka iyo Israa’iil ee la xiriira dagaalka.
Sida bayaanka lagu xusay, go’aamadan waxaa la qaatay iyadoo la raacayo mabda’a “is-dhaafsiga tallaabooyinka” (reciprocity), ujeeddaduna tahay “ilaalinta amniga qaranka iyo danaha dalka.”
