Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu taageerayo Iran si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo amnigeeda.
Kulan uu la yeeshay Ali Bagherikani oo ah ku-xigeenka xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran ayuu Wang Yi ka sheegay in dalkiisu uu ugu baaqayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafka Bariga Dhexe in ay diiradda saaraan xalalka siyaasadeed.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sidoo kale maanta oo Isniin ah sheegay intii uu socday kulanka uu la yeeshay Suldlaanka Cummaan Haitham bin Tariq Al Said in Bariga Dhexe iyo gobolka Gacanka Carabta aysan noqon “goob ay ku tartamaan quwadaha waaweyn.”
Bayaan wadajir ah oo la soo saaray kaddib kulankii u dhexeeyay Shiinaha iyo Cumaan, ayey Masqat ku taageertay soo-jeedimaha Shiinaha ee ku aaddan nabadda Bariga Dhexe, waxayna muujisay rajo ah in Beijing ay qaadan doonto “door aad u muuqda” oo ku aaddan xaqiijinta xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.
Shiinuha waa iibsadaha ugu weyn ee saliidda, waana mid ka mid ah saaxiibada dhaqaale ee ugu muhiimsan Iran.
Shiinuhu wuxuu cambaareeyay weerarrada ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen Iran, iyo sidoo kale cunaqabataynta ay Washington soo rogtay, wuxuuna dhowr jeer ku baaqay in dagaalka la joojiyo gaar ahaan in la furo marinka Hormuz iyada oo la adeegsanayo nidaam diblomaasiyad.
