1
Ruushka ayaa la sheegay inuu Iran ka iibinayo 90 qalab oo diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopters) lagu rakibo, gantaallada casriga ah ee LMUR.
Gantaalladan ayaa awood u leh inay si sax ah u bartilmaameedsadaan gaadiidka dagaalka, saldhigyada ciidan iyo fariisimaha cadowga.
Haddii heshiiska la fuliyo, wuxuu sare u qaadi karaa awoodda weerar ee diyaaradaha dagaalka Iran, isla markaana sii xoojin karaa iskaashiga milatari ee Moscow iyo Tehran, sida uu qoray wargeyska Financial Times.
