Friday, November 6, 2026

Hoggaamiyaha Isbahaysiga mucaaradka Israa’iil Oo Afar Qodob ku Xiray Xisbiga Carabta Ee ku Biirayay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha Isbahaysiga mucaaradka Israa’iil General Gadi Eisenkot ayaa qoraal dheer oo uu mar dhawayd soo saaray waxa uu ku soo bandhigay afar qodob oo uu shardi uga dhigay cidkasta oo doonaysa inay la gasho isbahaysi lagu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Israa’iil.

Afarta qodob ayaa kala ah:

1. Inay dalka Israa’iil u aqoonsadaan inuu yahay waddan Yuhuuddu leedahay, isla markaana dimuqraadi ah.

2. Inay aqbasho baaqa qiyamka madaxbanaanida Israa’iil.

3. Inay aqbasho waajibaadka barnaamijka shaqo qaran ee qof walba ku waajibinaya inuu qayb ka noqdo shaqada qaranka oo ay ku jiraan shaqada millatariga iyo ka mid noqoshada ciidamada Israa’iil.

4. Inay Ururka Xamaas u aqoonsadaan arggagixiso, muujiyaana sida ay uga go’an tahay in Xamaas meesha laga saaro millatari ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Sida ay warbaabinta Israa’iil qorayso, shuruudahan ayaa u muuqda qaar ku socda xisbiyada Carabta ee Israa’iil ee doonaya inay dawlad wadaag ah la dhistaan mucaaridka, si meesha looga saaro Ra’iisal Wasaare Netanyahu.