Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu diiddan yahay in si deg-deg ah loo soo dhiso dowlad cusub.
Netanyahu ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo dowlad midnimo qaran, ka hor inta uusan Madaxweynaha Israa’iil ku dhawaaqin siyaasiga loo igmanayo dhismaha dowladda cusub.
Natanyahu oo qaylo afka furtey ayaa ka hadlay sababta uu dib ugu dhigayo in lasoo dhiso dawlad cusub iyo walaaca uu ka muujiyay xaalada amni ayaa yiri.
“Dabka iyo ololka aan ku aragno waddooyinka Paris iyo Brussels waxay noqon doonaan kuwo aad u yar marka la barbardhigo dabka iyo holaca aan ku arki doonno waddooyinka Tel Abiib, Xafya, iyo magaalooyinka kale ee ISRL..”
“Tani maaha wax male awaal ah, maaha xeelado cabsi gelin ah ee waa xaqiiqada aan wajihi doono, sidaas darteed waa inaan ka hortagnaa, sababtoo ah nolosheena ayaa ku xidhan.”
