Kooxo burcad dhanka internet-ka ah ayaa Khamiistii la wareegay shaashadaha waaweyn ee xayeysiisyada dhijitaalka ah (Digital Billboards) ee ku yaalla dalalka Masar, Malaysia iyo Brazil, iyagoo ku baahiyay muuqaallo anshax-xumo ah. Waxaa sidoo kale jiray sheegashooyin la xiriira weerarro la mid ah oo ka dhacay Ciraaq iyo Shiinaha.
Magaalada Giza ee dalka Masar, darawallo marayay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Qaahira ayaa gawaaridooda joojiyay si ay taleefannadooda ugu duubaan shaashad weyn oo baahinaysay muuqaalladaasi.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Malaysia iyo Brazil ayaa damiyay shaashadihii la weeraray, iyagoo sidoo kale bilaabay baaritaanno ku saabsan dhacdada.
Koox Telegram ah oo lagu magacaabo Leakers ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sheegtay inay ka faa’iidaysatay nuglaansho dhanka amniga ah oo ku jirtay barnaamijyada loo adeegsado gudbinta iyo maareynta xogta shaashadaha LED-ka.
Kooxdu waxay sheegtay in muddo laba saacadood ah ay baaritaan ku samaysay kumannaan nidaam oo aan lahayn ilaalin amni oo ku filan, isla markaana ay suurtagal tahay in qof kasta oo leh aqoon aasaasi ah uu fulin karay weerarka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa xaqiijisay in tallaabooyin sharci ah laga bilaabay dhacdadan.
Kooxda weerarka sheegatay ayaa sidoo kale sheegtay in ujeeddadeedu aysan ahayn inay dalbato madax-furasho lacageed.
Fiiro gaar ah: Dhacdadan waxay muujinaysaa khatarta ka dhalan karta dayacaadda amniga nidaamyada dhijitaalka ah iyo baahida loo qabo ilaalinta kaabayaasha tiknoolajiyadda.
