Monday, November 2, 2026

Dhaawaca Wiil Lagu Toogtay Deegaanka Seemaal Ee Dahabka Laga Qodo Oo Isbitaalka Borama lasoo Gaarsiiyay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah ayaa la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Heegan ee magaalada Boorama, kadib markii uu dhaawac rasaas ahi ka soo gaadhay deegaanka Seemaal oo ah goobta dahabka laga qodo.

Dhaawaca wiilka ayaa markii dambe loo arkay mid culus, waxaana xaaladdiisa awgeed loo qaaday magaalada Hargeysa si loogu helo daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

Ehelada wiilka dhaawacmay ayaa sheegay in xabbadda wiilka ku dhacday meel fog laga soo riday.