Monday, November 9, 2026

Trump Oo Sheegay in uusan Waligii Cafin-doonin Cadowgiisa Ilaa Maalinta Aakhiro.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in Maalinta Aakhiro , Illaahay hortiisa xitaa uusan cafin doonin Cadowgiisa.

Caqiido ahan dadka raacsan diinta Karishtaanka waxay aaminsan yihiin in Janada gali doono oo kaliya qofka qalbigiisa laga helo “JACAYL & CAFIS” uu u qabo dadka kale.

SU’AAL:WARIYE” Mudane Madaxwayne, labo jeer ayaad ka badbaaday isku day dil, oo mar aad u sigatay. Dabcan maskaxdaada way kusoo dhacday kalmada “Geeri” . Hadaba Aakhiro xagee aadi doontaa Janno iyo Naar?

TRUMP: “Dabcan maadaama aan ahy nin ahlul diin ah, waxaan aaminsanahay inaan Jannada Galaayo. Ma doonayo inaan Naar galo.”

WARIYE: ” Laakiin Madaxwayne, Diinta waxay qabtaa in aakhiro Jannada uu galaayo oo kaliya Qofkii laabtiisa laga helo Labo shey oo kaliya ah JACAYL iyo CAFIS oo u qabo Walaalkiisa.

Adigana waxad hore u sheegtay inaadan cafin doonin cadowgaaga, sidaa darteed hadad Janno Rabto ma cafineysaa dadka cadowga tihiin sida Gabadha lagu magacaabo Nancy Pelosi?

TRUMP: “Run maad rabtaa mise been. Hadan ku dhaho wan cafiyay been baan kuu sheegay. Laakin hadad run dooneyso, Ma cafinaayi cadowgeeyga xitaa Aakhiro.

WARIYE: Xitaa Carshiga iyo Illaahay hortiisa kuma cafineysid miyaa?

TRUMP: “May, ma cafinayo”