Duqeymo cirka ah oo isdaba joog ah ayaa xalay laga fuliyey deegaano ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari, kuwaas oo sida xogaha la helayo sheegayaan ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee taageera hawlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad.
Duqeymaha oo xooggoodu ka dhacay deegaanada Dabablayaal iyo Hal Baalade ayaa ku beegsaday goobo ku yaalla dhanka bari ee deegaanka Dhaadaar, halkaas oo ay ku dhow yihiin saldhigyada muhiimka ah ee ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aagga Togga Jaceel Sare.
Xogaha amni ee la helayey afartii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa muujinaya in xubno ka tirsan Daacish, gaar ahaan kooxaha qaabilsan hawlgallada iyo aasidda miinooyinka, ay muddooyinkii dambe ku urursanaayeen deegaanada Hal Baalade iyo Dabablayaal.
Kooxahan ayaa sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ka waday goobo u dhow ceelka Wangable iyo deegaanada Goob iyo Gardaadin oo dhammaantood ka tirsan degmada Qandala.
Xubnahaas ayaa la sheegay inay horay uga hawlgeli jireen dhanka bari ee Togga Jaceel, halkaas oo ay kooxda Daacish ku lahayd xarumo iyo goobo istaraatiiji ah. Bishii Sebtembar ee sanadkan ayay kooxdu markii ugu dambaysay weerarro toos ah ka fulisay deegaanka Dasaan, iyadoo adeegsatay diyaarado aan duuliye lahayn oo qaraxyo sida. Weerarkaas ayaa dhacay 27-kii Sebtembar.
Sidoo kale, 5-tii Sebtembar ayuu qarax miino oo la sheegay inuu fashilmay ka dhacay inta u dhexeysa Sheebaab iyo Dhaadaar, halkaas oo uu ku dhintay mid ka mid ah xubnaha kooxda Daacish.
Duqeymahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Daraawiishta Puntland ay dhawaan hawlgallo muddo laba toddobaad ah socday ka sameeyeen dhanka galbeed ee Togga Jaceel, gaar ahaan deegaanada Daboorad ilaa Miraale.
Aagga bari ee Togga Jaceel ayaa muhiimad gaar ah u leh kooxda Daacish, maadaama uu hore u ahaa mid ka mid ah xarumaheeda ugu waaweyn, halkaas oo ay ku lahaayeen talisyo, goobo caafimaad iyo xarumo difaac. Horraantii 2025 ayay duqeyn ka dhacday aaggaas ku dishay sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa arrimaha dibadda, kaas oo u dhashay dalka Ciraaq.
Sidoo kale, deegaanada Buqo Caleed iyo Raq-raq oo ku yaalla isla jihooyinkaas ayaa bartamihii 2025 laga helay hub iyo agab caafimaad oo badan oo ay lahaayeen xubnaha Daacish, kuwaas oo ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen intii ay socdeen hawlgallada Calmiskaad.
Isu-urursiga xubnaha Daacish ee deegaanada bari ee Togga Jaceel ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ay kooxda Daacish qorsheynayso, xilli ciidamada Puntland ay gacanta ku hayaan marinno muhiim ah oo ay horay uga faa’iideysan jirtay. Waxaa suuragal ah in dhaqdhaqaaqyadani la xiriiraan isku day ay kooxdu ku dooneyso inay dib ugu abaabusho xubnaheeda weerarro cusub.
