Xildhibaan Thomas Massie oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump, ayaa shalay si rasmi ah u gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo Wasiirka Dagaalka Mareykanka, Pete Hegseth. Wuxuu ku eedeeyay dambiyo dagaal, weerarro aan oggolaansho Congress-ka laga haysan oo ka dhan ah Iiraan iyo dilal sharci-darro ah.
Massie ayaa horay u sheegay inuu tallaabadan qaadi doono, ka hor intii uusan Congress-ku gelin fasaxii ololaha doorashooyinka.
Sida uu dhigayo xeerka Aqalka Wakiillada, mooshinkan oo leh mudnaan gaar ah waa in cod loo qaadaa laba maalmood oo shaqo gudahood. Sidaas darteed, waxaa la filayaa in codbixintu dhacdo dhammaadka toddobaadkan.
Dhanka kale, Hegseth oo wajahaya cadaadis ka dhashay dagaalka Iiraan, ayaa sheegay inuu maanta shir jaraa’id ku qaban doono xarunta Pentagon-ka, halkaas oo la filayo inuu kaga jawaabo mooshinka xil-ka-qaadista.
Waa wax aad u hooseeya fursada uu Trump ku badbaadin karo Hegseth, oo noqonaya qofka u horreeya ee lagu ciqaabayo fashilka dagaalka Iiraan iyo guul-darrada xisbiga Trump uu ka wajahay doorashadii dhexe ee Mareykanka oo aqlabiyada labada gole ay bisha Jannaayo la wareegayaan xisbiga Dimuqraadiga, waxayna u muuqataa ka hor inta carada Dimuqraadiyiinta aysan billaaban inay Jamhuuriga ay doonayaan sidii ay uga hor dhici lahaayeen oo dhexdooda isku ciqaabayaan.
