Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Eedeyn culus u Jeediyay Jabhadaha TPLF Tigray iyo ABO Oromada. .

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadal uu ka jeediyay baarlamaanka dalka kaga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo siyaasadda.Wuxuu si gaar ah uga hadlay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray TPLF iyo Ururka Xoreynta Oromada ABO.

Abiy ayaa yiri:”Waxaa jira dad muddo 40 ilaa 50 sano hub watay kuwaas oo weli ku sugan Tigray iyo Oromiya.”

Wuxuu sidoo kale sheegay: “Waxaan leenahay dad badan oo Oromo ah, welina way badan yihiin.”

Isagoo ka hadlay dagaalyahannada hubeysan ayuu yiri:”Qofku ma sii ahaan karo jabhad weligiis; waa inuu ka gudbaa marxaladdaas.”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada TPLF inay dagaalyahanno u direen si ay uga qayb qaataan dagaalka ka socda Suudaan. Wuxuu sheegay in dhallinyaro badan oo reer Tigray ah lagu qasbayo inay ka qayb galaan dagaalkaas.

Abiy ayaa yiri:”Dhallinyaro badan oo reer Tigray ah ayaa lagu khasbay inay ka dagaallamaan Suudaan. Waxay naftooda ku waayayaan dagaal aysan garanayn sababta loo geliyay. Waxaa loo adeegsanayaa sidii addoomo dagaalka Suudaan, waxayna u dhimanayaan arrin aysan waxba ka ogeyn.”

Dhanka kale, Suudaan ayaa hore ugu eedeysay Itoobiya inay ka qayb qaadanayso dagaalka iyadoo iskaashi la leh Isutagga Imaaraadka Carabta .Dowladda Suudaan waxay ku doodday in Itoobiya iyo Imaaraadku ay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Khartuum.

Itoobiya, iyaduna, waxay ku eedeysay Suudaan inay martigeliso kooxaha mucaaradka Itoobiya, isla markaana ay hub iyo taageero dhaqaale siiso dagaalyahannada TPLF.

Markii hore, dowladda Itoobiya waxay ku eedeysay TPLF iyo dowladda Ereteriya inay iska kaashadeen hurinta dagaalkii Tigray. Si kastaba ha ahaatee, khudbaddiisii maanta, Abiy wuxuu yareeyay walaaca ku saabsan iskaashigaas isagoo yiri:

“Xitaa haddii dowladda Ereteriya, TPLF iyo Suudaan ay iskaashadaan, taasi khatar kuma aha Itoobiya.”

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo TPLF ee gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu maanta ku eedeeyay ciidamada Tigray inay si joogto ah u sameeyaan falal kicin kara dagaal.

Wuxuu xildhibaannada u sheegay: “Maalin kasta waxaa gobolka Tigray ka dhacaya falal gardarro ah oo horseedi kara dagaal, kuwaas oo si isdaba joog ah loo fulinayo.”

Dhawaan, Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac, isagoo ka digay in xaaladda sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ay halis gelin karto Heshiiskii Pretoria ee 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii labada sano socday ee Tigray.