Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje Oo Somaliland u Wareegtay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida uu baahiyey bogga wararka ee Maxamed Yuusuf Bakaylle, xidlhibaan Fahiimo Yuusuf Quuje oo ka mid ahayd xildhibaannada baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa iska casishay xildhibaanimadii maamulkaasi, iyadoo mar kale dib ugu laabatay Somaliland.

Xildhibaan Fahiima, ayaa mar qura baddeshay mowqifkeedii siyaasadeed, mabdi’ii ay aaminsanayd ee midnimada Soomaaliya iyo mansabkii xileed ee ay haysay intaba, iyadoo laga soo wariyey in ay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn, taas baddelkeedana aamintay aragtida gooni-goosasho ee Somaliland, sida uu ku sheegay bartiisana Mohamed Yusuf Bakayle, wuxuu ka qaaday Fahiima, wareysi aan weli baahin.

Inkastoo muddooyinkii dambe Fahiima Quuje, ay aad u dhaliilsanayd siyaasadda hoggaamineed ee Cabdiqaadi Axmed Awcali Firdhiye ee maamulka deegaannadaas ee ay xildhibaanka ka ahayd, haddana marna kuma qowlin, qoraal ahaanna kuma tilmaamin, in shaki kaga jiro qaddiyadda midnimada Soomaaliya.

Fahiima Quuje, ayaa lagu xasuustaa doorkii weynaa ee ay ku lahayd dadaalladii halgan ee gobolka, gaar ahaanna dagaalladii daba-dheeraaday ee dadka deegaanka oo gacan ka helayey xagga Puntland ay la galeenn Somaliland, kaasoo aakhirkii dhaliyey in Somaliland laga faramaroojiyo gobolka, hub, gaadiid iyo maxaabiis dagaal oo aad u badan laga qabsado, maxaabiistaas oo weli ku jira xabsiga Laascaanood.