Trump Oo Lagu soo Dhaweeyay Turkiga Isaga oo Wata Tuunji-giisii Suuliga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa gaadhay dalka Turkiga si uu uga qayb galo Shir madaxeedka 36-aad ee xulafada NATO, waxaana Ankara kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Trump oo ammaanay Erdogan: “Waxaan nahay saaxiib wanaagsan oo leh xidhiidh weyn, Erdogan waa hoggaamiye adduunka oo dhan laga ixtiraamo, Turkigu wuxuu noqday waddan leh awood & saameyn weyn… Ankara waxaan ku arkay horumar badan & xataa dhisme magacayga leh.”

Sidoo kale Trump ayaa tuujigiisa [suuliga] u sii qaatay Turkiga isaga oo dib-na ugu soo ceshan doona Maraykanka, waxaana arintan oo kale hore u sameeyay Madaxda Mareykanka, Shiinaha & Kuuriya, iyaga oo ka hortegeya helista hidde-sidahooda.

Shirkan oo socon doonna muddo laba maalmood ah, ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aamo waaweyn oo ku saabsan istiraatiijiyadda difaaca ee isbahaysiga NATO ee sannadaha soo socda.

Dhanka kale Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa la filayaa inuu u sheego Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, inuu diyaar u yahay inuu u oggolaado Turkiga inay dib ugu soo biirto barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee qarsoodiga ah ee Lockheed Martin F-35 Lightning II, sida ay sheegeen afar sarkaal oo ka tirsan dowladda Maraykanka.