Iiraan Oo Diiday Dalabkii ugu Dambeeyay Ee Mareykanka Uu soo Gudbiyay Xili Uu Trump ku Eedeeyay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa lagu warramayaa inay diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Mareykanka uu soo gudbiyay, waxayna ku adkaysatay mowqifkeeda ah in marin-biyoodka Hormuz aan si buuxda dib loogu furin doonin ilaa dagaalku dhammaado, sida ay maanta werisay warbaahinta Al Mayadeen ee xiriir leh Iiraan.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu sameeyay tanaasulaadyo ku saabsan arrinta xiritaanka marinka maraakiibta ee dhanka koonfureed, taasoo la macno ah Mareykanka inuu go’doominta ka qaado dekedaha Iiraan , dibna loo furo qaybta koonfureed ee Hormuz.

Warbixintan waxay ku soo aadday xilli Trump uu waxyar ka hor sheegay inaysan jirin maraakiib gaari karta Iiraan illaa ciidanka Mareykanku ay oggolaadaan, isagoo sidoo kale markii u horreysay ku eedeyay Iiraan inay ku dhaqmayso siyaasad labo wajiileyn ah, markii afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan uu sheegay inaysan jirin wadahadallo socda oo ay la leeyihiin Mareykanka.

Balse Trump ayaa ku adkaystay inay xilligan socdaan wadahadallo lagu raadinayo heshiis, isagoo carrabka ku adkeeyay in “tani ay tahay fursaddii ugu dambaysay ee ay ku saxeexi karaan Iraan heshiis wanaagsan.”

Trump wuxuu sheegay in wada-hadalladan ay “ku yimaadeen codsi ay Iiraan ka yimid.”