Ma Dhabbaa In Ciyaarhanka Mika Godts Uu Qaatay Diinta Islaamka Xili Uu ku Biirayo kooxda PSG.?

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mika Godts, oo lala xiriirinayo inuu ku biirayo kooxda PSG, ayaa la sheegay inuu qaatay diinta Islaamka, inkastoo uusan si rasmi ah oo fagaare ah u xaqiijin arrintaas.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa sheegay in xaaskiisa, Haifa Salem Ali, ay tahay gacalisadiisii carruurnimada:

“Waxaan xaaskayga garanayay tan iyo markii aan jiray 14 sano. Waxay ahayd go’aan aan si ula kac ah u qaadanay inaan da’yar is guursanno. Waxaan rabnaa inaan si wadajir ah u dhisno nolol deggan.”

Waxa kale oo uu sheegay in xaaskiisu ay yaraanteedii ku soo kortay Soomaaliya xilli dagaallo ay ka jireen:

“Waxay Soomaaliya ku soo martay dagaal iyo waxyaabo badan oo aad u xun. Waan ka wada hadli karnaa arrimahaas, balse mar walba ma aha wada sheekeysi fudud.”

Markii la weydiiyay inuu qaatay diinta Islaamka, Godts wuxuu ku jawaabay:

“Inaan Islaamka qaatay iyo in kale? Taasi waa arrin gaar ii ah. Waxaan adduunka ku eegaa maskax furan. Diimaha waan xiiseeyaa, waana bartay. Iimaanka waxaa ku jira waxyaabo badan oo qurux badan oo qofku noloshiisa ku dabaqi karo.”

Maxaa Kaaga baxay adiga ?