Xiriirka kubbadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabo sharci ah kaddib markii laga noqday qorshihii Gianni Infantino ee ahaa in saamiyo ka mid ah tartamada FIFA laga iibiyo maalgashato.
Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa sidoo kale la filayaa in uu warqad u diro Infantino, isagoo kala noqonaya taageeradii hore ee uu u muujiyay.
Xiriirada kubbadda cagta Yurub, Waqooyiga Ameerica, Karabiyaanka iyo UEFA ayaa hore si cad u dhaliilay hoggaanka Infantino iyagoo soo saaray qoraallo ay uga horjeedaan qorshaha maalgashiga.
Wales ayaa maanta oo Isniin ah noqotay dalkii ugu horeeyay ee si cad ugala noqdo taageerada Infantino uu ku sii ahaanayo madaxweynaha.
Infantino wuxuu doonayay in uu sameeyo shirkad ganacsi oo FIFA hoos timaada si ay u maamusho tartamada waa weyn sida Koobka Adduunka iyadoo maalgeliyeyaal shisheeye loo oggolaan lahaa in ay saamiyo ka iibsadaan shirkaddaas.
Sida uu hore u baahiyay wargeyska The Telegraph, UEFA ayaa warqad ay u dirtay Infantino ku sheegtay in ay “si dhab ah uga fiirsanayso in ay qaaddo tallaabo sharci, dacwad garnaqsi ama tallaabooyin anshaxeed kuwaas oo la xiriira qorshaha FIFA.
