Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweysay 171 muwaadin Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyay, kuwaas oo horey ugu tahriibay dalka Libya, lana la kulmay xaalado adag intii ay ku jireen safarkooda iyo xabsiyada lagu hayay.
Dadka dib loo soo celiyay ayaa isugu jira carruur, dhallinyaro iyo dad waaweyn, waxaana qaarkood ay qabaan baahiyo caafimaad oo soo wajahay intii ay ku jireen xarumaha ay hay’aduhu gacanta ku hayeen.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa sheegay in muwaadiniintan ay la kulmeen duruufo bani’aadannimo oo aad u adag, ayna dhibbanayaal u noqdeen dad ka faa’iideysta dadka tahriibaya.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ay khusayso ay diyaariyeen barnaamijyo lagu taageerayo dadka dalka lagu soo celiyay, kuwaas oo isugu jira adeegyo caafimaad, fursado shaqo-abuur iyo taageero kale oo ka caawin karta dib ula qabsiga nolosha dalka.
Wasiirka ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan khataraha tahriibka, isaga oo xusay in safarrada dhulka iyo badaha ay leeyihiin halis badan oo nafta gelin karta khatar.
Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay dadka dib loo soo celiyay inaysan quusan, balse ay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira dalkooda, dibna u dhistaan noloshooda.
Soo dhoweynta muwaadiniintan waxaa ka qaybgalay hay’adaha dowladda ee ay khusayso, oo ay ku jiraan hay’adda socdaalka, wasaaradda arrimaha dibadda iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyo hay’ado caalami ah oo qayb ka ah barnaamijka dib u soo celinta muwaadiniinta.
