Tuesday, November 10, 2026

Beesha Caalamka oo ku Heshiisay Fududeynta Wada-hadallada Doorashooyinka Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee loo yaqaan Rubucda (Quartet), kana kooban Maraykanka, Britain, Turkiga iyo Midowga Yurub, ayaa isku raacay inay fududeeyaan wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.

Wada-hadalladan oo la qorsheeyay inay dhacaan 14-ka illaa 18-ka November, ayaa ujeeddadoodu tahay in dhinacyadu heshiis ka gaaraan hannaanka doorashooyinka, isla markaana la dhiso hannaan wadajir ah oo lagu maamulo doorashada.

Ajandaha kulamada ayaa waxaa ka mid ah shirar ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, ku dhawaaqista mabaadi’da aasaasiga ah ee heshiiska iyo wada-tashiyo ay sameynayaan guddiyada farsamada, iyadoo afarta dhinac ee caalamiga ah ay dhexdhexaadinayaan geeddi-socodka.

Dhanka kale, dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa la sheegay in laga codsaday inay sugaan amniga madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Dadaalladan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo la xiriirta khilaafka doorashooyinka, iyadoo sidoo kale ay jiraan walaac laga qabo saameynta amni ee ka dhalan karta bixitaanka ciidamada Uganda ee ku joogay Soomaaliya heshiis laba geesood ah, iyo suuragalnimada in Al-Shabaab ay ka faa’iideysato meelaha amni ahaan bannaan.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale daba socda go’aan ay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya soo saartay 5-tii November, kaas oo lagu diiday muddo-kordhinta madaxweynaha iyo baarlamaanka, isla markaana xaddiday awoodaha xukuumadda ra’iisul wasaaraha, iyadoo ku koobtay hawlaha maalinlaha ah ee sii-wadidda maamulka.

Maxkamaddu waxay dhinacyada ay khuseyso doorashooyinka ku amartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah, kuna eg 5-ta December 2026, ku gaaraan heshiis la isla oggol yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Sidoo kale, go’aanka maxkamadda ayaa dhigaya in doorashooyinka la qabto muddo 90 maalmood gudahood ah laga bilaabo taariikhda go’aanka, taas oo ku beegan 3-da February 2027.