Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ka hor shirka hoggaamiyeyaasha COP31 ee ka dhacaya dalka Turkiga.
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa amni ee gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadalka iyo iskaashiga joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan ayaa imanaya muddo dheer kaddib markii ay kulmeen labada hoggaamiye, xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu hore u soo maray khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland.
Kulanka ayaa noqon kara tallaabo dib loogu bilaabayo wada-hadalka heerka hoggaamiyeyaasha labada dal, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin natiijada wada-hadallada.
