1
Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Boliiska Turkiga Ozel hareket general Hüseyin Ediz Tercanoglu ayaa si maqaam sare leh ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo booqasho ku jooga dalka Turkiga.
Labada Taliye ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka , dib u habeynta Tababarada iyo agabka Ciidamada Boliiska gaar ahaan kuwa Haramcad , kor u qaadida xirfadda iyo is dhaafsiga khibradaha si kor loogu qaado xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Dawladaga Soomaaliya iyo Turkiga











