Friday, November 13, 2026

Iiraan Oo ka Digay Inuu Bur-buro Nidaamka iyo Sharcigii Caalamiga Ahaa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iiraan ayaa ka digay waxa uu ku dambeyn doono nidaamka iyo sharciga caalamiga ah, hadii dowladuhu ay xor u noqdaan iney weeraraan dowladaha kale iyagoo weerarkaa ku salaynaya “qiiimeyntooda gaarka ah ee ku aadan khataraha suuragalka ah ee iman kara mustaqbalka.”

Cabaas Araghchi ayaa yidhi. “Arrintani kuma koobna Iiraan oo keliya, waxa ugu weyn ee khatarta ku jiraana waa kalsoonidii lagu qabo nidaamka iyo sharciga caalamiga ah, kaasoo loo dejiyay in looga hortago in dowladuhu ay awoodooda milatari u adeegsadeen sida ay doonaan.”

“Hadiise la ogolaado in awoodu ay ka sara marto sharciga, Iiraan ma noqon doonto cida keliya ee waxyeeladu soo gaadho.”