Ruushka wuxuu soo bandhigay dalab cusub oo lagu xiray dagaalka Ukraine inuu joojinayo; wuxuu Putin, doonayaa in NATO ay ciidamadeeda dib ugu celiso goobihii ay joogeen sannadkii 1997, wax u dhigma dalalka bariga Yurub oo ay ku jiraan Poland, Hungary iyo Czech Republic,Estonia, Latvia iyo Lithuania inay ka baxaan ama la dhimo ciidanka NATO, sida uu baahiyay wargeyska New York Times.
Warbixintu waxaa kaloo ay sheegtay in Putin uu dalbanayo in la joojiyo ballaarinta NATO, in dalalka reer Galbeedku ay joojiyaan hubka ay siiyaan Ukraine, iyo in la xaddido dammaanadda difaac nukliyeerka ah ee Ingiriiska iyo Faransiisku siiyaan xulafadooda Yurub.
Dalabaadkan oo lagu soo bandhigay wadaxaajoodyo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta , ayaa argagax ku noqday dalalka Yurub, kuwaasoo u arka wax aan suragal ahayn iyo in Ruushku si cad usoo bandhigayo hamiga uu ku doonayo bariga Yurub inuu ku qaadi karo duulaan la mid Ukraine, iyadoo dalabaadkan uu Ruushka gudbiyay xilli toddobaadka soo socda la filayo kulan dhex mara Trump iyo Putin oo ka dhici doona dalka Shiinaha
