Saturday, November 14, 2026

Taliyaha Ciidanka Milatariga JSL Oo Itoobiya kaga Qayb-galay Qalin-jabinta Saraakiil ka Tirsan Somaliland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa ka qaybgalay munaasibadda qallin-jebinta saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka oo waxbarasho ku dhammaystay Kulliyadda Abaanduulka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidamada Difaaca Itoobiya (Ethiopian Defence Command and Staff College).
‎
‎Saraakiishan ayaa waxbarashada la qaadanayey saraakiil ka socday dalka Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.
‎
‎Taliyaha ayaa hambalyeeyey saraakiisha qallin-jebisay, isaga oo ku dhiirri geliyey inay aqoonta ay korodhsadeen uga faa’iideeyaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
‎
‎Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu uga mahadceliyey Dawladda Itoobiya iskaashiga, dhinacayada waxbarashada iyo tababarka ciidamada.