Monday, November 16, 2026

Madaxweynaha Eritrea Oo la Sheegay inuu si Joogto ah u Badalo Goobaha uu kaga Sugan-yahay Magaalada Asmara.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa la sheegay inuu si joogto ah u Badalo goobaha uu kaga sugan yahay magaalada Asmara.

Falanqeeyaha arrimaha Eritrea, Dr. Mohamed Kheir Omer, ayaa sheegay in Madaxweyne Afwerki uu mar walba beddelo goobaha uu ku sugan yahay.

Sidoo kale, waxaa la sheegay inuu yareeyay adeegsiga qalabka elektaroonigga ah, isla markaana uu xaddiday safarrada loo aado deegaanka Adi Halo.

Falanqeeyaha ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay ka dhasheen walaac laga qabo weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ku qaadi karaan.