Madaxweynaha Turkiga oo si adag uga hadlay xaalada adag ee ay wajahaan shacabka Qasa ayaa yidhi. “Waxaan diyaar u nahay inaan konteneero gargaaro ah u dirno walaalaheena ku sugan Qasa, sidoo kalena waxaan qaadaynaa talaabooyin lagama maarmaan ah ee la xidhiidha arrimaha gargaarka bani aadanimo.”
“Xataa hadii ay dadka kale oo dhan indhaha ka laabtaan, dhagahana ka qabsadaan waxa ka dhacaya Qasa, annagu kama aamusi doono dulmiga halkaas ka socda, xataa hadii nala cidleeyo oo cid kasta naga jeesato hadana annagu waan si wadi doono gudashada waajibaadkeena walaaltinimo.”
