Thursday, November 19, 2026

Hay’adda IAEA Ee QM Oo Shaacisay in Kuuriyada Waqooyi ay Ballaarisay Xarunteeda Bacriminta Yuraaniyamka

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta tamarta nukliyeerka (IAEA) ayaa shaacisay in Kuuriyada Waqooyi ay ballaarisay xarunteeda bacriminta yuraaniyamka ee Yongbyon.

Madaxa hay’adda, Rafael Grossi, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay arrin walaac culus leh, iyadoo Pyongyang ay sii waddo xoojinta barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Digniintan ayaa ku soo beegmatay xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu la kulmo Kim Jong Un inta uu ku sugan yahay dalka Shiinaha.