Heemaal News Network

Midawga Africa Oo Aqbalay Codsiga Masar Ee Ciidamada ku Geynayso Somaliya

Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta.

Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka.

Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan ciidamadan cusub ee nabad ilaalinta ah.

Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka.

Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka.