Friday, November 20, 2026

Denmark Oo Eriday Dibulamaasiyiinta Ruushka Markii la Isku Dayay in la Dilo Fanaanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Denmark ayaa dalka ka ceyrinaysa diblomaasi Ruush ah, kaddib markii ay sheegtay inay fashilisay qorshe lagu dilayay fanaanka caanka ah ee reer Ukraine, Kyivstoner.

Qorshaha dilka ayaa soo shaac baxay intii lagu guda jiray dacwad maxkamadeed oo ka dhan ah laba nin oo u dhashay Denmark, kuwaas oo lagu eedeeyay in sirdoonka Ruushka uu u qortay fulinta falkaas.

Labada eedeysane ayaa bishii Sebtembar la xiray xilli ay ku sii jeedeen goob lagu qabanayay bandhig faneed, oo ku taalla waqooyiga magaalada Copenhagen. Waxaa la sheegay inay siteen tigidhada bandhigga, qoryo rasaas ku jiraan iyo mindiyo.

Labada nin ayaa beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen.

Laamaha ammaanka Denmark ayaa hore loogu wargeliyay suurtagalnimada weerarro lagu qaado Kyivstoner. Waxaa sidoo kale jiray isku day hore oo lagu doonayay in lagu dilo fannaanka, kaas oo ka dhacay Poland.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa fannaanka ku eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshe la xiriiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo lagu doonayay in lagu fuliyo falal waxyeello iyo kharbudaad ah gobolka Moscow.