Somaliland ayaa shaacisay in gaasta ku jirta dhulkeeda la qorsheynayo in la soo saaro sannadka 2027, sida uu ku sheegay warreysi uu bixiyey safiirka Somaliland u fadhiya dalka Israel, Dr. Maxamed Xaaji, mar uu ka hadlayey khayraadka dabiiciga ah iyo fursadaha dhaqaale ee Somaliland leedahay.
Safiirka ayaa sheegay in Somaliland hodan ku tahay kheyraad dabiici ah oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo isugu jira macdanta, shidaalka, gaasta, khayraadka badda iyo wax soo saarka beeraha. Dr. Maxamed Xaaji ayaa xusay in Somaliland leedahay kheyraad baaxad leh oo ku jira dhulkeeda iyo baddeedaba, isaga oo tilmaamey in kheyraadkaasi fursad weyn u yahay koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.
Waxa uu si gaar ah u xusay gaasta dabiiciga ah ee ku jirta dhulka Somaliland, isaga oo sheegay in sannadka 2027 la filayo in la gaadho marxalad lagu bilaabayo soo saaristeeda.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland leedahay macdano kala duwan oo ay ka mid yihiin dahabka iyo naxaasta, kuwaas oo uu tilmaamey inay ka mid yihiin kheyraadka soo jiidan kara maalgashiga caalamiga ah.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay fursadaha iskaashi dhaqaale ee Somaliland iyo Israel, isaga oo sheegay in xidhiidhka labada dhinac aanu ku koobnayn oo keliya arrimaha diblomaasiyadda, balse uu gaadhi karo dhinacyada maalgashiga, tamarta, macdanta, beeraha iyo tiknoolajiyadda.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay dedaal ugu jirto sidii ay u soo jiidan lahayd shirkaddo iyo maalgashadayaal caalami ah oo ka qeyb qaata sahaminta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
