Saturday, November 21, 2026

Maamulka Trump Oo Xaddiday Iskaashigii Militari ee Mareykanku la lahaa Canada.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maamulka Trump, ayaa u muuqda inuu sare u qaadayo tallaabooyinka Mareykanka looga jarayo xulafada reer galbeedka, iyadoo wargeyska Washington Post uu maanta baahiyay qoraal sir ah oo la sheegay xoghayaha difaaca dagaalka ee Mareykanka,Pete Hegseth inuu ku xaddiday iskaashigii militari ee Mareykanku la lahaa Canada, kaasoo meesha ka saaraya kulamada saraakiisha labada dhinac , tababbarada, dhoolatuska iyo xogihii Mareykanku la wadaagi jiray Canada.

Wargeyska Washington Post, ayaa tallaabadan ku sheegay ; “Dadka reer Canada waxay arrintan u arki doonaan dharbaaxo wajiga looga dhuftay.”

Warbixintan waxay ku soo aaday maalmo ka dib kulamadii uu Trump kula soo yeeshay dalka Shiinaha ; Putin iyo Xi.

Inta wadahadalladu socdeena saddexda hoggaamiye waxay ku heshiiyeen wax ka beddel lagu sameeyo nidaamka caalamiga ah oo Qaramada Midoobay iyo maxkamada ICC ay ugu horreeyaan,intaa oo ay weheliso inay dhisaan isbahaysi iyo nidaamyo cusub oo arrimaha caalamka looga arrinsanayo, iyadoo dhammaan isbeddeladan uu Trump ka saaray xulafadii Mareykanka ee reer Galbeedka.