Saturday, November 21, 2026

Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika Oo U Yeertay Dawlada Somaliya

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika (EACJ) ayaa Xukuumadda Soomaaliya u qabatay 45 maalmood si ay ugu jawaabto dacwadda ka taal Maxkamadda.

Sida aan baahinay 10-kii bishan Noofembar, Maxkamadda Caddaaladda ee Bulshada Bariga Afrika ayaa aqbashay dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaana la balamiyay dhagaysiga dacwadda, Dawladda ayaana laga rabaa inay diyaarsato difaaceeda ka hor muddada loo qabtay.

Dacwadda waxaa gudbiyay Lix Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, waxayna lid ku tahay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo diiday inuu u hoggaansamo go’aanka Maxkamadda Sare ee lagu laalay dhaqangalka Dastuurka Cusub.