Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax walaac ah ka qabin bixitaanka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ku adkaysatay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay la wareegaan goobaha ay banneeyaan ciidamada shisheeye.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda muddadii u dambeysay xoogga saartay dhismaha, diyaarinta iyo tababarka ciidamada qaranka, kuwaas oo qaarkood dhawaan dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay tababarro ku soo qaateen dibadda.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in ciidamada Uganda ay qaar ka mid ah goobihii ay ku sugnaayeen si toos ah ugu wareejiyeen ciidamada Soomaaliyeed, taas oo uu ku tilmaamay astaan muujinaysa diyaar-garowga dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
“Walaac kama qabno in arrintani wax ka beddesho xaaladda amniga dalka ama goobaha ay ciidamadaasi banneeyaan,” ayuu yiri Cabdifitaax Qaasim, isagoo xusay in amniga Soomaaliya uusan weligiis ku tiirsanaan karin joogitaanka ciidamada shisheeye.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Midowga Afrika aysan Soomaaliya u joogin si joogto ah, balse ay dalka u yimaadeen muddo cayiman, sidaas darteedna bixitaankoodu uusan ka dhignayn in Soomaaliya aysan lahayn awood ciidan ama saaxiibbo kala shaqeeya sugidda amnigeeda.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Ciidamada Xoogga Dalka ay xoreeyeen deegaanno badan oo dalka ka tirsan, isla markaana dowladda shantii sano ee la soo dhaafay ay dadaal xooggan gelisay dhismaha, tayeynta iyo tababarka ciidamada qaranka.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan walaacyo la xiriira awoodda dowladda ee la wareegidda goobaha ay banneeyaan ciidamada Uganda, gaar ahaan deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, iyo weliba sugidda amniga caasimadda Muqdisho, oo weli ay door muhiim ah ku leeyihiin ciidamada AUSSOM.
Si kastaba, dowladda Federaalka ayaa muujisay kalsooni ay ku qabto awoodda ciidamada qaranka, iyadoo ku adkaysanaysa in Soomaaliya ay si tartiib-tartiib ah ula wareegayso mas’uuliyadda amnigeeda.
