Monday, November 23, 2026

Hoggaamiyaha Xisbiga Midigta Fog ee Jarmalka Oo ka Niyad-jabsan Siyaasada Maamulka Trump.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Tino Chrupalla, oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Jarmalka ee AfD, ayaa sheegay inuu ka niyad-jabay siyaasadda maamulka Trump waxuuna yiri:

“Waxaan ka niyad-jabsanahay dhinacyo badan oo ka mid ah siyaasadda maamulka Trump. Sidoo kale, muwaadiniin badan oo Mareykan ah ayaa niyad jab ka muujiyay, taasna waxaa si cad u muujiyay natiijooyinkii doorashooyinka Midterm Elections.

Trump wuxuu ballanqaaday inuusan bilaabi doonin dagaallo cusub, balse uu soo afjari doono dagaallada jira. Hase yeeshee, dhinacyo badan ayuu sameeyay wax ka duwan wixii uu ballanqaaday.

Arrintaasi waxay sababtay koror ku yimid kharashaadka dhaqaalaha iyo sare u kaca qiimaha maciishadda ee gudaha Mareykanka.”