Dowladda Sacuudiga Oo Sare u Qaadaysa Xiriirka ay la Leedahay Burkina Faso,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Sacuudiga ayaa sare u qaadaysa xiriirka ay la leedahay Burkina Faso, kadib markii Faransiiska laga saaray dalkaas. Tallaabada ugu horreysa ayaa noqotay magacaabista Saad Misfer oo loo magacaabay safiirka Sacuudiga u fadhiya Burkina Faso, si uu u xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Mas’uuliyiinta Burkina Faso ayaa sheegay in Sacuudiga uu maalgelin doono mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo qaybo kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta adeegyada.

Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Madaxweyne Ibraahim Traoré ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Faransiiska, iyadoo ku eedeysay inuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Burkina Faso.