Gadi Eisenkot, oo ku hawlan wadahadallo ku saabsan dhisidda xukuumad cusub oo laga sameeyo Israel, ayaa sheegay in aysan jirin baahi loo qabo tallaabo militari oo degdeg ah oo ka dhan ah Iran.
Taliyihii hore ee ciidamada Israel, kaas oo rajeynaya in uu noqdo raysalwasaaraha, ayaa shir jaraa’id oo ka dhacay baarlamaanka ka sheegay, “Halista ka imanaysa Iran waa khatarta ugu weyn ee ay wajaheyso dowladda Israel, balse xilligan la joogo, ma arko khatar toos ah oo degdeg ah oo u baahan in tallaabo laga qaado ka hor inta aan la dhisin dowladda.”
Benjamin Netanyahu, oo weli xilka raysalwasaaraha haya kaddib doorashooyinkii Israel, ayaa ka digay “halista baaxadda leh ” ee ku soo wajahan Israel, iyo waxa ka dhallan kara in khatartaas si fudud loo eego.
Eisenkot wuxuu haystaa ilaa 6-da Diseembar si uu u soo dhiso xukuumad. Muddadan kama dambaysta ah waxaa laga yaabaa in lagu daro 14 maalmood oo dheeraad ah. Ma jiro xisbi siyaasadeed oo helay aqlabiyad buuxda oo baarlamaanka ah.
