Iiraan ayaa sheegtay inay furi doonto marin-biyoodka Hormuz, kaliya marka la bixiyo magdhowga khasaaraha ka soo gaaray duullaanka Mareykanka iyo marka la sharciyeeyo markab kasta oo marinkan adeegsanayo inay Iiraan ka qaadayso canshuur, sida ay werisey Al Jazeera.
Dhinaca kale Shiinaha ayaa si aamusnaan leh u xiray hawadiisa dhinaca xeebaha bari, muddo ku dhow 40 maalmood oo ka billaabatay 27 bishii Maarso illaa 6 bisha May, taasoo la sheegay inay ka badan tahay xilliyada caadiga ah ee tijaabooyinka milatari uu sameyn jiray, sida uu ku waramayo Wargeyska Wall Street Journal.
Ma cadda ujeeddada Shiinaha uu u xiray hawadan balse Aagagga uu xiray ayaa waxay ku yaallaan xeebta Shiinaha ee u dhow badda Yellow Sea iyo East China Sea, balse ma aha meel si toos ah ugu dhow jasiirada Taiwan.
Sidoo kale Trump ayaa u sheegay Fox news inuu fuliyay ballan uu u qaaday dibadbaxayaasha Iiraan, isla markaana hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay hub badan u direen dibadbaxayaasha, iyagoo adeegsanaya kooxo hubeysan oo Kurdiyiin ah, balse Kurdiyiintu waxay qaateen hubka mana aysan u gudbin dibadbaxayaasha.
Arrintan ayaa la sheegay inay sabab u noqotay in dibadbaxayaashu aysan awoodin inay sameeyaan kacdoon ka dhan ah dawladda Iiraan.