Dawlada Somaliya Oo Laashay Heshiisyadii ay Hore u la Gashay Imaaraadka Caranta

by Heemaal
1 minutes read

Dowladda Federaalka ayaa laashay isla markaasna meesha ka saartay dhammaan heshiidyadii hore loola galay Imaaraadka Carabta, sida ay isku raaceen Golaha Wasiirrada oo yeeshey shir degdeg ah maanta ka dib socdaalkii Hoggaamiyaha STC Yemen uu isugu maray Berbera & Muqdisho.

Waa markii u horreysey ee ay xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh hoos u dhigayso xidhiidhka Abu Dhabi oo xidhiidh kale la leh Puntland, Jubbaland & Somaliland oo dhinac kale ah.

DFS ayaa xilligan la xidhatay Sucuudi Careebiya, ka dib aqoonsiga Israa|l SL.

Go’aankan wuxuu soo bandhigay isbeddel weyn oo ku dhacay jihada dawladda, gaar ah madaxweyne Xasan oo muddo dheer xiriir la lahaa Imaaraadka Carabta oo meesha ka saaraya xiriirka si uu ugu weecdo xiriir uu la sameynayo Sacuudiga iyo Qatar.

Xukuumada Doha ayaa la sheegay inay ka aqbashay dawladda Federaalka buuxinta doorka Imaaraadka, gaar ahaan bixinta kabka mushaaraadka ciidanka, wallow aan si rasmi ah loo soo bandhigin, hadana go’aanka wuxuu soo baxay maalmo ka hor inta uusan billaabaan socdaal la sheegay madaxweyne Xasan inuu ku tagayo dalka Sacuudiga, tan oo albaab u furaysa loollanka khaliijka ee gudaha Soomaaliya

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.